BREAKING NEWS

Wasiirkii Dastuurka Dowladda Soomaaliya oo geeriyooday

Warar ay heshay Widh Widh Online ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka isutaga  imaaraadka carabta uu ku geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Sida la xaqiijiyey Marxuumka ayaa halkaasi maalmahan u joogay Xanuun hayay,iyada oo halkaasi lagu daweynayay,hayeeshee markii dambe uu u geeriyooday xanuunkii.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray,waxana uu hadda ahaa Wasiirka Dastuurka Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Dastuurka Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top