Kulan deg deg ah oo ay leeyihiin Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa hadda ka socda Xalane oo ah Saldhigga ugu weyn ee Beesha Caalamka iyo AMISOM.
Kulankaan ayaa waxaa ku sugan inta badan Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM,waxaana looga hadlaaya kasoo bixitaanka Ciidanka dowladda ee degmooyin ka mid ah maamulka Hirshabeelle.
Sidda uu Widh Widh Online u xaqiijiyay qof ku sugan gudaha xarunta Xalane oo Magaciisa ka gaabsaday in warbaahinta loo adeegsado kulankaan ayaa ah mid deg deg ah , Maadaama meelihii Ciidamada ay kasoo baxeen ay ku hareen Ciidanka AMISOM.
Kulankaan ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda laga saaro War ku aadan tilaabadda Ciidanka AMISOM.