BREAKING NEWS

DEG DEG:Wasiir ka tirsan Somaliland oo xidhay arimo musuq maasuq

Wararka ka imaanaya magaalada Haregysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in la xidhay wasiirkii Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo.

Wasiirka ayaa sida la sheegay loo haystaa eedo la xidhiidha musuq maasuq, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in maanta oo Axad ah maxkamad lasoo taagi doono.

Xilka Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa waxaa hada si KMG ah loogu dhiibay Ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees, waxaana wasiirka loo haystaa wax isdaba marin uu sameeyey.

Hanti-dhowraha guud ee Somaliland ayaa maalmahan baadhis waxa ay ku hayeen xafiisyada wasaaradda Warfaafinta, waxaana hore loo xidhay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland.

Weli waxaa sidoo kale socota baadhis uu wasaaradaha qaar ee Somaliland uu ku hayo hanta dhowraha Somaliland, waxaana xadhiga wasiirkii Warfaafinta Soomaaliland amray hanti dhowraha guud ee Somaliland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top