BREAKING NEWS

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Muqdisho{Daawo}

Kulankan oo looga hadlayay Amniga ayaa waxaa xalay lagu qabtay degmada Hurwaa ee Gobolkan Banaadir,waxaana shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka degmada iyo taliyeyaasha Ciidamada waaxyaha kala duwan ee degmada Hurwaa, waxaana diirada lagu saaray dardar gelinta Amniga sida uu sheegay guddoomiye Tuulax.

“Waxaan caawa shir gudoomiyay shirka amniga degmada heliwaa oo ay kasoo qaybgalaan maamulka degmada iyo taliyaasha police ka iyo Nabadsugidda waxaana kormeer aan ugu kuurgalayo shaqada amni ee degmada ka socoto ku tagay waaxyaha kala duwan ee dagmada sida Waxarcadde iyo Suuqa Xoolaha.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax uu kormeer dhinaca amniga ah ku tegay degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top