BREAKING NEWS

Maleeshiyaad la wareegay Xarun Isgaarsiineed Gobolka Nugaal

Wararka naga soo gaaraay gobolka Nugaal Puntland ayaa waxaa ay ku waramayaan in dabley hubeysan ay la wareegeen Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Golis ay ku leedahay degmada Burtinle ee Gobolkaasi Nugaal.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale waxaa ay hawada ka saareen Khadka Isgaarsiinta,waxana dadka qaarkood ay xaqiijiyeen in maleeshiyaadka ay ka soo baxeen Xaafado ka tirsan degmada Burtinle.

Wararka qaar oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay Shirkadda ka doonayaan magdhow kadib markii Qof ehelkooda ah uu ku dhintay Fiio Koronto ay leedahaya shirkadda, taas oo keentay inay weeraraan.

Maamulka degmada Burtinle ee Puntland iyo Maamulka shirkadda weli kama hadlin tallaabadaas ay maaaleeshiyaadka hubeysan kula wareegeen Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Golis,waxaana hawada ka maqan Isgaarsiinta degmada Burtinle.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top