BREAKING NEWS

Afar Carruur ah & Hooyadood oo ku geeriyooday waxyaabaha qarxa

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Dhagaxmadow oo ka tirsan Gobolka Jarar ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya, waxaana ku geeriyooday Afar Carruur ah iyo hooyadood.

Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu yimid kadib markii Carruurta geeriyootay ay gargaraaceen haraadiga waxyaabaha qarxa oo ka haray dagaaladii Ciidamada Itoobiya iyo Ururka ONLF  ku dhexmaray deegaanadaas, taas oo keentay in uu ku qarxo.

Wariyeyaal ku sugan Dhagaxmadow ayaa waxaa ay ku waramayaan in waxyaabaha Carruurta ku qarxay ay ahaayeen bir ay hooyada dhashay u isticmaali jirtay inay ku tumato Xawaajiga, iyada oo maqaayad ku laheyd Goobta uu qaraxa ka dhacay.

Hooyada geeriyootay ayaa sida aan wararka ku helnay waxa ay aheyd mid Uur leh, waxana la geeriyooday Afar Carruurta ah oo ay dhashay,waxaana qaraxaasi ka badbaaday Aabaha Carruurta iyo Cunug kale oo goobta ka maqnaa.

Dhacdadaas ayaa waxaa aad uga naxay dad ku nool deegaanka Dhagaxmadow oo ka tirsan Gobolka Jarar ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya, iyada oo Maanta la filayo in la’aaso meydka Carruurta iyo hooyadood.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top