BREAKING NEWS

DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo loo maleynayo in ahaa miinada  nooca gawaarida lagu dhejiyo ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Taleex ee Magalada Muqdisho,Waxaaana jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolkan Banaadir.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano Sarufta ayaa la sheegay in uu qarxay,waxana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas,iyada oo gaariga qarxay uu haatan gubanayo.

Gawaari kale oo yaallay goobta uu gaariga ku qarxay ayaa burbur kasoo gaaray qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goordhow gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo wadada xiray.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top