BREAKING NEWS

Duqeyn loo gaystay cisbitaal ku yaala dalka Yemen

Ugu yaraan 7 qof oo ay afar kamid ahi caruur yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, kadib marki uu gantaal ku habsaday cisbitaal ay taageerto hay’adda Save the Children oo ku yaala waqooyi galbeed ee dalka Yemen.

Save the Children waxay sheegtay in madfaca uu ku dhacay cisbitaalka Kita see magaalada Sacda ay ku dhaawacmeen sideed kale oo isugu jiray bukaano iyo hawl wadeeno cisbitaalka ka shaqaynayey.

Madaxa hay’adda Save the Children Carolyn Miles ayaa cambaaraysay madfaca lagu dhuftay cisbitaalka Kita, waxaana ku tilmaantay weerarkaasi mid jabinaya qaanuunka caalamiga ah.

Wali ma kala cada cida soo gantay madfacaasi, balse isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiga ayaa horay u duqeeyay cisbitaalo, iskuulo iyo xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top