BREAKING NEWS

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino aan ka helnay

Waxaa daqiiqado yar kahor qarax aad u xoogan oo loo maleenayo in uu ka dhashay gaari Waxyaabaha qarxay laga soo buuxiyay uu ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgooska Dabka.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore Maqaayado laga cunteeyo oo  lagu magacaabo Simba iyo Obeyd, waxaa sidoo kale goobtaasi kuyaalay xarumo ganacsi oo badan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in qaraxay ka dhashay, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo goobtaasi ka qaadaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top