BREAKING NEWS

Villa Soomaaliya oo diiday iney la fariisato Somaliland

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ay diidan tahay iney la fariisato maamulka Soomaaliland si loo sii amba qaado wada hadaladii u socday labada dhinac.

Farmaajo ayaa u sheegay xubnaha beesha Calamka inuusan aqbali doonin sida ay wax ku wadaan oo ah in labada dhinac la wada hadal siiyo iyadoo ay wadamo kale dhex dhexaadinta wadaan.

Arrintaan waxaa ka carooday Turkiga oo ergey gaar ah u magacaabay wada hadalada Somalia iyo maamulka Somaliland, sidoo kale Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka xanaaqay go’aanka ay Qaramada Midoobey gooni uga dhigtay sanduuqa taakuleynta Somaliland.

Kulankii lagu balansanaa inuu ka dhaco Accra, Ghana waxaa qaadacay Farmaajo, laakiin ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiye Axmed iyo safiirka USA ee Soomaaliya oo ah labada nin ee Farmaajo waxba ka diidi Karin ayaa balan qaaday iney arrinta hoos u gali doonaan oo ay Farmaajo qancin doonaan.

Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa laga soo xigtay inuu ka niyad jabay sida ay Farmaajo iyo Kheyre u wajahayaan wadahadalka Soomaliland.

Madaxwynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay dhowaan in waxyaabo badan oo socon la’a iney ka xayiran yihiin dhanka Dowlada Federaalka ah balse uu maamulkiisu taas waxb u joojin doonin.

La taliyaasha madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku fashilmay qorshihii dhaqaalo ahaan loo go’adoomin lahaa Somaliland taas oo amakaag ku abuurtay Farmaajo.

Lama hubo in Abiye Axmed iyo Yamamato iney qancin doonaan Farmaajo laakiin waxaa wararka Villa Soomaaliya ay sheegayan inuu qadacay inuu la fariisto Soomaliland wuxuuna mar marsiyo ka dhiganayaan shisheeyuhu hanaga dhex baxo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top