BREAKING NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Cadeeyay sababta ay Al Shabaab weerarada uga geestaan Muqdisho{Video}

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidoo kale sababaha ay Al Shabaab u kordhiyeen weerarada ay ka geestaan Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Farmaajo ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab laguna xaqiijinayo amaanka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dulqaad muujiyaan inta ay ciidamada howlgalada wadaan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Farmaajo in dowladiisa waqtiga u haray ka shaqeyn doono xaqiijinta amaanka dalka si dowlada ka dambeesa aysan ugu mashquulin amaanka balse ku mashquusho dhinaca horumarka.

”Waxaan doonayaa in dowlada iga dambeyso ay xilka la wareegto dalka oo nabad ah, dowladihii hore dadaal badan ayey ku bixiyeen ka shaqeynta amaanka balse anaga waxaana rabnaa dowlada dambe in aysan amaan ka fekerin” Ayuu yiro Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay Al Shabaab mar walbo weerarada uga geestaan magaalada Muqdisho, waxa uuna xusay in Al Shabaab hal u jeedo ka leedaha Weerarada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sababta Al Shabaab weerarada uga geesanayaan magaalada Muqdisho ay tahay  la yirhaado dowlad kama jirto Soomaaliya.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay dagaalyahanada Al Shabaab kordhiyeen qaraxyada iyo weerarada kale ay ka geesanayaan magaalada Muqdisho.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top