BREAKING NEWS

Banaan bax maanta ka dhacay Albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta mar kale afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay banaan bax cabasho ah ay dhigayeen qaar ka mid ah Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka ee ku dhaawacmay dagaalkii Itoobiya lala galay sanadkii 1977-kii.

Naafada banaan baxa dhigaysay ayaa ka cabanayay in mudo dhowr bil ah aan la siin wax mushaar ah sidoo kale aysan helin gunadii ay horey uga heli jirtay dowlada federaalka Soomaaliya.

Dadkan banaan baxa dhigayay ayaa xiray albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada waxa ay sidoo kale fadhiisteen bartamaha laamiga hor mara Madaxtooyada iyaga oo diidayay in ay maraan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowlada.

Banaan baxayaasha ayaa markii dambe goobta isaga tagay kadib markii lala hadlay, waana banaan baxii labaad ay maalmo gudahood ah ka hor sameeyeen albaabka Madaxtooyada dadkan ka cabanaya in aysan helin mushaarkooda

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top