BREAKING NEWS

Ciidamada Melerariga SUDAN oo la wareegay xarumo Muhiim ah iyo xiisad ka taagan Khartuum

Wararka ka imaanaya magaalada magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa sheegaya in xiisad ay saaka ka taagan magaalada, iyadoo ciidamada Meletariga ay la wareegeen xarumo Muhiim ah.

Ciidamada Melatariga dalka Sudan ayaa la wareegay xarunta Taleefishinka Qaranka iyo Raadiyaha dowladda, waxaana ay xaalada u muuqataa in Afgambi lagu sameyn rabo madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Meletariga ay madaxtooyada ku xanibeen madaxweynaha Sudan Al Bashiir, waxaana ay ku sugan yihiin madaxtooyada magaalada Khartuum.

Xaalada ayaa u muuqata mid ay iska war hayaan ciidamada maletariga iyo Nabad Sugidda Sudan, waxaana sidoo kale la xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, iyadoo aysan jirin dhaqdhaqaaq diyaaradeed oo garoonka ka socda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top