BREAKING NEWS

Cabdi Good oo sheegay in sirdoonka Jabuuti ay dil ugu hanjabeen iyo sababta

Abwaan Cabdi Good Abees ayaa sheegay in sirdoonka dalka Jabuuti ay dil ugu soo hanjabeen, kadib markii uu dhawaan si adag uga hadlay xiisadii mudooyinkii dambe ka dhex aloosneed Ganacsade Axmed Geelle iyo Qoyska Madaxweynaha Jabuuti.

Cabdi Good ayaa dhaliilo ku hurgufay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mar uu falanqeynayey xiisada ka dhex taagan Ganacsadaha iyo Qoyska Madaxweynaha.

Abwaanka ayaa sheegay in sirdoonka cabsi galintoodi aysan waxba ka badali doonin ka hadalka arrimahan, isagoona sheegay haddii wax dhibaato ah ay soo gaadhaan in bulshada reer Somaliland ay sirdoonka Jabuuti u raaci doonaan.

Cabdi Good oo ka hadlaya Arrimahaas, waxa uu yiri “Saaka labo mar ayaa waxa lay soo kala diray laba farriimood oo Whatsapp-ka laygu soo diray, oo runtii Jabuuti layga soo diray oo laygu hanjabaayo, in ninkaasi uu helay xogo sirdoon oo Hargeysa laygu dilaayo, ama Gaadhi lay jiidhsiinaayo ama xabad inta laygu dhufto magtayda la dulsaaraayo cidkalena aanay idilayn ee ay idilayaan dadka reer Somaliland oo ilaa shaaqiyaduhu ay u yihiin shaqaale oo lacagtayada ku shaqeeya Ama Ismaacil Cumar Geelle la shaqeeya Idiris Cumar Geele ayaad gaadhay ayuu ku leeyahay, markaas Ismaacil Cumar Geele kama hadho dadka ee waa uu dilaa”.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top