BREAKING NEWS

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado yar kahor qarax xoogan uu ka dhacay isgooska dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro kala duwan .

Sida aan wararka ku helnay Qaraxa ayaa ka dhacay Isooska dabka gaar ahaan afaafka hore ee Maqaayada Barwaaqo, wali lama oga in qaraxan uu ahaa mid gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo in uu ahaa qarax gaari lagu xiray.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in xiligaasi mashquul badan uu ka jiray, waxaana halkaasi marayay gaadiid kala duwan iyo mooto bajaaj , waxaa sidoo kale kuyaalay goobo ganacsi.

Gaadiidka gurmadka dega dega ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay halkaas oo ay ka qaadayaan dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, waxaa sidoo kale ciidamada amaanka ay xireen wadooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top