BREAKING NEWS

Madaxweyne Xaaf oo Nairobi kula kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Maxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Magalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz (Pencho).

Labadda dhinac kulankooda waxay ku qaadaa-dhigeen Arimo aad u xasaasiya oo la xariira Soomaaliya iyo Gulmudug, iyaga oo si wanaagsan isugu af garteen.

Madaxweyne xaaf oo todobaadkan safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi, ayaa ku howllan kulamo kala duwan oo uu la leeyahay wakiilada beesha Caalamka.

Isagoo u sharaxaya in Dowlada dhexe ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed ee Galmudug caalamka ugu talagalay.

Shalay galinkii danbe ayay markii kulan guul ku soo idlaaday uu la yeeshay safiirka dowlad Uk u qaalbilsan Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top