BREAKING NEWS

Dowladda Hindiya oo balan qaad u sameeysay Maamulka Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi kulan kula qaatay Safiirka dalka Hindiya ee Soomaliya, Ambassador Rahul Chabbra.

Kulanka oo ahaa mid muhiimaddiisu sareysey, ayna labada dhinac si weyn u soo dhoweeyeen ayaa waxaa looga wadahadlay arrimaha ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo tababarada shaqaalaha rayid ka ah ee Puntland

Ambassador Rahul Chabbra ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan muhiim ka ah, waxaana uu  Puntland ku amaanay kaallinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, iyo ladagaalanka Burcad Baddeeda. Safiirka ayaa balan qaaday in Puntland ay dhinacyo badan iska kaashan doonaan si xiriirka labada dhinac uu u noqon lahaa mid waxbadan oo faa’iido leh soo kor dhiya.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Kenya oo uu halkaasi kulamo kala duwan oo heer caalmi ah kula qaadanayey beesha caalamka ayaa aad u soo dhaweeyey dhankiisa kulanka waxaana uu xusay in Puntland ay diyaar u tahay ka shaqaynta kor u kaca xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo Hindia.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top