BREAKING NEWS

Wiil shan jir ah oo booliiska u sahlay in la helo maydka hooyadii oo la dilay

Wiil yar oo Jarmalka u dhashay ayaa booliiska Spain ka caawiyay sidii ay ku heli lahaayeen maydka hooyadii iyo wiil ay walaalo yihiin oo toban jir ah, kuwaas oo lagu tuuray bohol ku taalla jasiiradda Tenerife.

Booliiska ayaa xabsiga dhigay wiilka yar aabihii oo Jarmal ah waxaana looga shakisan yahay in uu dilay labadaas ruux.

Dadka deegaanka ayaa booliiska war galiyay ka dib markii ay arkeen ilmo yar oo shan jir ah oo kolba dhan ugu ordaya meel u dhaw buuraha Adeje, Arbacadii.

Warbaahinta Spain ayaa ku warramaysa in hooyada Jarmalka u dhalatay iyo wiilasheedu ay Spain u tageen si ay u soo arkaan aabahood. Ninkan ayaana daganaa Tenerife.

Ninka ayaa laga soo xiray gurigii uu daganaa, waxaana la sheegay in arrintaasi aysan si sahlan u qabsoomin.

Waxay u muuqataa in labadan qof ee dhintay la jir dilay.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalkaas ayaa cambaareeyay falkan, xukuumadduna waxay sheegtay in ay ula dhaqmayso sidii mashaakil qoys. Spain ayaa doorasho guud u dareeraysa Axadda

Wargayska El País ayaa sheegay in bohosha la helay ka dib markii baaritaan dheer laga sameeyay buurta oo ceeryaamo lahayd – waddada loo marayo ayaana laga helay saacadda gacanta lagu xirto.

Jaraa’iidka oo ilo soo xiganaya ayaa sheegay in aabuhu uu ahaa nin qalafsan isla markaasna uu diiday in uu booliiska siiyo macluumaad ku saabsan wiilkiisa iyo hooyaddii u dhashay.

“Dil ayaa looga shakisan yahay” ayay tiri afhayeen booliiska ka tirsan oo BBC la hadashay.

Ninka laga shakisan yahay ayaa lagu hayaa saldhig booliis oo ku yaalla Playa de las Americas oo u dhaw Adeje, waxayna u badan tahay in garsoore baaritaan samaynaya la hor gayn doono Jimcan.

Jasiiraddaha Canary ayaa caan ku ah dalxiiseyaasha Jarmalka iyo UK

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top