BREAKING NEWS

Dheymantii labaad ee Dunida ugu weyn oo la helay (Daawo Sawirada)

Waxaa goob macdanta laga qodo oo kutaala dalka Botoswana ee kuyaala Koonfurta Qaarada Afrika laga helay dheymantii labaad ee ugu weyn dunida inta la ogyahay.

Dheymantan laga helay dalka Botoswana ayaa cabarkiia lagu sheegay  1,758 carat, waxaana dheymantan xajmi ahaa la egtahay kubada tenniska lagu ciyaaro oo kale.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkii 1905-tii laga helay dheymantii ugu weyneyd dunida, waxaana cabirka dheymtaasi  lagu sheegay 3,106 carat.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa wadamo caalamka kamid ah laga helayay dheyman waa weyn, waxaana helitaanka dheymankan waa weyn sabab looga dhigay helitaanka qalabka baaritaanka iyo soo saarista dheymanta.

Dalka Botoswana oo kamid ah dalalka laga helo dheymanka ayaa sanadkii 2015-kii laga helay dheeman cad oo cabirkiisu gaarayey 1,109 Carat, dheymantaasi ayaa wax xoogaa yar ka yaraa kan hada dalkaasi laga helay.

The 1,758 carat diamond recovered from the Karowe mine. (CNW Group/Lucara Diamond Corp.)

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top