BREAKING NEWS

Ciidamada Jubbaland oo dagaal kula wareegay deegaan ka tirsan G/Jubbada Hoose

Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmadaas.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen deegaan lagu Magacaabo Xagar oo ay ku sugnayeen Al-Shabaab,waxaana la sheegay in dagaal kooban oo labada dhinac halkaasi ku dhexmaray ay Ciidamada Jubbaland kula wareegeen deegaankaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in iska caabin buuran aysan kala hor-imaan Al-Shabaabkii ku sugnaa deegaanka Xagar,isla markaana ay haatan ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland.

Waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaarey dagaalka,hayeeshee aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijineysa.

Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in Maanta ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,iyada oo saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay wadaan howlgallo ay Al-Shabaab uga saarayayaan deegaanada Gobolada Jubbooyinka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top