BREAKING NEWS

Farmaajo oo la kulmay guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulan looga hadlayey dardargelinta shuruucda dalka iyo wada shaqeynta goleyaasha dowladda la qaaatay guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddoonka Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka labadda aqal ka dalbaday in ay dardargaliyaan shaqooyinka horyaalla si loo horumariyo dalka Shuruucdiisa.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli aysan wax wada shaqeyn ah ka dhaxeynin Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top