Maalin ka hor madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo dhammaantood ka tirsan gobolka Sanaag.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah lagu soo rogay degmooyinkaasi kadib falal amni-darro oo ku soo noq-noqday.
Mudada saddexda bilood ah waxaa halkaasi ka shaqeyn doona amarka ciidamada oo keliya waxaana la faray in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga degmoooyinkaas.