BREAKING NEWS

Beesha Isaaq Oo Soo Weerartay Kornayl Tuke{Video}

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali Tuke, waa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamaddii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dawladdii Kacaanka ahayd. Waxa aan hubaa in Dhallinta dambe ee Laascaanood ama Buuhoodle ku nool aan midna Aqoon ama Sooyaalkiisa hayn Sarkaalkan, ama xitaa aysan Magaciisa maqal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali oo Tuke lagu naanayso, waxa magaciisa si aad ah u yaqaanaa Dhallinyarada Hargaysa, Burco iyo Gebilley ka soo jeeda.

Si gaar ah, waxa Magaca Kornayl Tuke uu ladh ugu kiciyaa Dhallinyarada reer Gebilley oo laga dhaadhiciyay in uu Xasuuqay isaga oo Beel ahaan “Isaaq” u bartilmaameedsanaya.

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali, ayaa Siddeetamaadkii ahaa Taliyaha Guutadii Shanaad (fifth brigade ) ee millatarigii Soomaaliya ee fadhigeedu ahaa Degmada Gebilley.

Markii Dalku burburay, waxa uu Qaxooti ku noqday Waddanka Canada oo uu 1992 uga sii gudbay Dalka Maraykanka, gaar ahaan Caasimadda Washington oo uu ilaa hadda ku noolyahay, kana mid noqday Saraakiisha Ilaalada Garoon Diyaaraddeed oo Caasimadda Maraykanka ku yaala lagu na magacaabo Metropolitan Washington Airports.

Qurbejoog ka soo jeeda Beesha Isaaq, oo lagu magacaabo Faarax Warfaa ayaa Dacwado ka dhan ah Kornayl Tuke u gudbiyay Dawladda Maraykanka, iyaga oo ku eeddaynaya Xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha sida Gummaad, Toojar, Tuulooyin uu gubbay iyo dembiyo kale oo uu Kornayl Tuke Been-abuur ku tilmaamay, geesna iskaga daadifeeyay.

13 Bishan May Ayaa Kornaylka Tuke Lagu Wada in Uu Yimaado Maxkamada Racfaanka Ee Gobolka Firjiiniya Ee Dalka Maraykanka Dacwadaasi oo u Gudbiyay Faarax Warfaa oo ah nin u dhashay Beesha Gabiley oo mudo Badan Daba socday Sarkaalkaasi Islamarkaana markasta Ku Hungooba Dacwada uu Soo oogo.

Shacabka Khaatumo Dal iyo Dibad waxaa Loo baahan yahay In Kornaylka La siiyo Gacan Lagana Garab Dagaalamo.

Kornayl Tuke Waa Nin Gobolada SSC U Dhaashay Gaar ahaan Gobolka Cayn Degmada Widh-Widh ka soo jeedo. Faarax Garaad, Guulleed Garaad, Barkad

Waa Ashqarar in maanta Beesha isaaq Sarakiishi dhulbahante XIli Siyaad barre Ay Dabasocdan Inaguna aynu Ilowno oo aan Cidiba waxba ka soo Qaadin Shacabkii Dhulbahante Badheedhka Suuga loogu xasuuqay Kalshaale Taleex.Xudun,Widhwidh Laascaanood.?

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top