War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa sharcidarro ku tilmaamay sharciga doorashooyinka oo ay shalay ansixiyeen golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Xisbiga Wadajir ayaa qoraalkooda waxa ay ku sheegeen in dowladda Federaalka ay afduubatay doorashooyinka dalka,isla markaana Sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey uu yahay mid iska hor-imaanaya.
Waxaa kaloo ay sheegeen in Madaxda Dowladda Federalka ay dhegaha ka fureysteen talooyinka Xisbiyada dalka ka jira,isla markaana mud laba sano ah si ula kac ah ay uga gacan bidixeeyeen hanaanka loo qabanaayo doorasho qof iyo cod ah.
