BREAKING NEWS

Ragii Caasha Kufsaday Oo Saaka Maxkamada Garoowe La Soo Taagay{Daawo Vidio}

Goobta Dacwadda lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugan qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana 10-ka ruux la sheegay in loo heysto 7 dambi oo ku aadan dilkii iyo Kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabadh yar oo wali qaangaarin.

Markii ay Maxkamado bilaabatay oo xeerilaalinta ay soo jeediyeen Eedeymaha loo heysto 10-ka ruux ayaa qareenaddii difaacayay ay Codsadeen in la siiyo Waqti ay kusoo diyaarsadaan Difaacooda iyo Cadaymo.

Mid ka mid ah Xeer Ilaaliyaasha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Maalinta sabtida ah ee soo socota dib loo furi doono dhageysiga kiiska dacwada ah e loo heysto dadkii ka  dambeeyey Kufsiga iyo dilka Caaisha.

Waxa uu sheegay dib loo dhigay Sababo la xariira Codsiga Qareenadda.

Halkan ka Daawo

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top