BREAKING NEWS

Siyaasi Cali Guray Oo Alshabab Ku Sheegay Xildhibaan Dhakool

Xildhibaan dhakool kamid ah Horgakada maamulka Isaaq Ayaa Shalay weerar Culus ku qaaday maalinta 18 May ee Beesha Isaaq u Dabaal Dagto Isagoona ku Tilmaamay maalin Madow.

Hadaba Siyaasi cali Guray oo kamid ah Xubnada Beesha Isaaq Ee Maalintaasi U soo dagaalamay ayaa Si Xun u Weeraray Xildhibaan Dhakool Qoraal oo soo Dhigay Bartiisa Facebook.

”GEEDIGU WUU SOCDAA AYDUNA WAY CIYAYAAN DAMEER DHERGAY MARKUU DIBIRO INUU DINAAHIYO CEEBTII MAAHA EE WAA CAADADII. KAN WAXA SAMAYSAY 18-KA MAY KA HORNA WAX JIRA MUU AHAYN. INTA UU KU HELAY 18-KA MAY ANIGU KUMAAN HELIN OO XILDHIBAAN KUMA NOQONIN XOOLONA KUMA URURSAN OO SIDIISA KAMAAN TAAJIRIN XAARAAN HADANA TOBAN SANADOOD AYAAN HALGAN QADHAADH U SOO MARAY 18 MAY OO DHAB AHAAN U SOO CELISAY SHACBIGA SOMALILAND OO DHAN XAQII AY U LAHAAYEEN AAYO KA TASHIGOODA IYO XORNIMADII AY DHEELDHEELKA KU LUMIYEEN 1960KII”’ Ayuuyidhi Cali Guray
CALI GURAY OO HADALKIISA SII WATA AYAA YIDHI”’KANI DHULBAHANTE NAF UMA HAYO CALOOSHIISA IYO HUNGURIGIISA WAX DHAAFSIISAN-NA DAN IYO MURAAD KAMA LAHA.WAA BASAAS XUN OO NEDEL AH OO XATAA KOOXAHA XAGJIRKA AHI AY ADEEGSADAAN KOLNA IYAGA BASAASA OO CAAN KU AH XASADKA, BUQDIGA, IYO NACA DADKA GACANTOODA WAX AANU KA HELIN AANU AFKIISABA GELIN. HA U DHINTO NACIISA OO HA ISKA HADLO AF NOOLIBA WUU HADLAA EYNA WUU CIYAAYE. WAA RUN GEEDIGUNA WUU SOCDAA AYDUNA WAY CIYAYAAN’

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top