BREAKING NEWS

Maamulka G/ Jubbaland Oo DF-Somalia ku Ee deeyay dagaalkii Garoonka Kismaayo iyo {hadalki Musharax Seeraar?]

Kismayo Jubbaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku Ee deeysey iney faragelin iyo khalqal gelin dhinaca Amniga ku heyso magaalada Kismaayo kadib dagaal garoonka Kismaayo shalay galab ku dhexmaray Musharax Madaxweyne Cabdinaasir Seeraar iyo Ciidamada Jubbaland.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in wixii ka dhacay Garoonka Kismaayo ay Ee deeda leedahay Dowladda federaalka, isla markaana ay taasi cadeyn u tahay khalqal gelinta amniga ay dowladda Soomaaliya ka wado deegaannada Jubbaland.

Dhinaca kale Cabdinaasir Seeraar oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka madaxwayne ee Jubbaland ayaa dagaalkii ka dhacay Garoonka Kismaayo, ku eedeeyay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu Hogaamiyo.

“Looma dulqaadan doono Cadaadis iyo Cabudhinta  lagu hayo Musharixiinta , ay tahay in la xurmeeyo ee Taariikhda ku leh dalka hadana doonaya inay xil ka qabtaan’

Laga Bilaabo maanta Jubbaland Tii hore ma noqon doonto, Laakiin Axmed Madoobe Jubbaland God ayuu ku Riday, Axmedoow adigaa ka Jawaabi doona maanta waxaad Samaysay,  Waxaa kuu Fiicnayd inaad adigu baadho Boorsadayda , Waxaan leeyahay Jubbaland waxaa ku Furmay Albaab Naar ah “ Ayuu yidhi Seeraar.

Isagoo hadalka sii wata ayuu xusay inaanu ka hadhi doonin Ciidankii maanta Falkaasi gaystay  “Kama Hadhi doono Edebdarada ka dhacday Garoonka Maanta, Ilaa aan ogaano cida ka dambaysay.”

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top