BREAKING NEWS

Maraykanka Oo Duqayn Puntland ka gaystay ku dilay daacishtii ugu Badnayd.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 13 xubnood oo Daacish-ta Soomaaliya ah ay ku dileen weerar dhinaca Cirka ah oo Arbacadii ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari.

Howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in meelaha gantaalada lala helay ay ahaayeen goobaha ay argagixisadu ku qariso hubka, ku sameyso qaraxyada, ku tababartaan kuna abaabulaan ficiladooda wuxushnimada ah.

Agaasimaha sirdoonka howlgalka Mareykanka ee Afrika Heidi Berg ayaa sheegay in duqeynta ka hor ay xogo soo siiyeen mukhaabaraadkooda, taasoo keentay in la dilo 13 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Daacish.

Waxa uu meesha ka saaray in dad Shacab ah ay waxyeelo ka soo gaadhay weerarka, iyadoo ay nooqneyso duqeyntii 2-aad uu Mareykanka kula eegto Daacish qeybo kamid ah Punland sanadkan 2019.

Weerarkan kii ka horeeyay oo ka dhacay isla gobolka Bari waxaa lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhuqubed iyo darawalkiisa, Cabdixakiin wuxuu horey uga tirsanaa Al¬-Shabaab.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top