BREAKING NEWS

Xaqiiqooyin 18-May iyo Xaqirada Xiligii Xoriyadda Somaliya [faallo]

Laascaanod ( Kalshaale ) Taariikhdu way adag tahay sida looga been sheegaa waliba markay duuban tahay oo ay kayd ku jirto dhawr arrimood ayaa u baahan in lays dultaago.

1. Bishii labaad ee 1991 waraysi uu bixiyey ilaahay hawnaxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali ”Cabdiraxmaan Tuur“ wuxuu sheegay in shirka Burco lagu qaban doono bisha Afraad in uu yahay mid maamul hoosaad lagu samaynayo , bulshada SNM aan ka tirsanayna ay ikhtiyaar u leeyihiin in ay maamul hoosaadkaas ka soo qayb galaan. Waa xog kaydsan BBCda Laanta Af-Soomaaliga iyo codka”Tuur“

2. 18.May.1991 go‘aankii Burco lagaga dhawaaqay muu ahayn mid bulshadii shirka ka soo qayb gashay ay ka mideysnaayeen , waxay ahayd arrin ku timi fikir gaara oo ay wateen xubno ka tirsan golihii SNM iyo bulsho la kiciyey oo kolkaas xaaladdii ka jirtay dalka iyo Muqdisho looga faa‘iideystay, isla markaana ahayd qorshe dhawr maalmood socday.

3. Arrinta gooni isu taaga in aanay ahayn hawl lagu wada socday waxaa daliil kale u ahayd Cabdiraxmaan Tuur oo isagu ahaa guddoomiyihii SNM, markii danbena gooni isu taagii lagu dhawaaqay madaxweyne ka ahaa wuxuu cadeeyey in aanu fikirkani soconayn oo 1994 ayuu si toos ah uga noqday oo uu Muqdisho ka degay isaga oo ay u caddaatay in aragtida go‘itaanku suuq ka helayn Soomaali iyo bulshada caalamka, wuxuu arrintan xogga dheeraad ah kaga bixiyey Waraysi dheer oo wargeyska Jamhuuriya Muqdisho kula yeeshay 1997kii. Waa Kayd.

4.Xaaladda sharciyeed ee ”Somaliland“ ku taagan tahay waxay ka hor‘imaanaysaa qodobka koowaad ee Dastuurkii Soomaaliya 1961 loo codeeyey ee la ansixiyey qodobkaas oo qeexayey “1)- Soomaliya waa Jamhuuriyad madax-bannaan oo leh Dawlad demoqaaradi ah,dhexdhexaad iyo wakiil buuxda ah. Dadka iyo dalka Soomaalilyeed waa mid aan kala qaybsami Karin“.

Ilaa iyo hadda waxaa dalka Soomaaliya sal u ah Dastuurkaas oo ah ka kaliya ee bulshada Soomaaliyeed u codeysay, dhammaan talaabooyinka qodobkaas ka hor‘imaanayaa waa sharci daro, waana arrinta ilaa maanta bulshada Caalamku u aqoonsan la dahay”Somaliland“.

5. Sidaasi daraadeed 18.May markeedee hore ayeysan sharci gudaha iyo mid dastuuriya ku taagnayn , 26.Jun ayaa uga dhaw maalin kulmisa bulshada deegaankii Ingiriisku gumaysan jiray kuwada nool, maalintaa iyaga oo isku aragtiya ayey Gumaysigii deegaankooda joogay ka wada dhiidhiyeen.

26. Jun iyo Calanka buluuga ah ee xidigta cadi dhexda kaga taalo waakii Hargeysa laga taagay habeenkii xoriyada ee uu Cabdilaahi Suldaan Timacade ugu Gabyayey ”Kana saar kana siib“.

Qoray : Eng Gadari

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top