ildhibaanku wuxuu Dhiibtay Aragtidiisa, Dastuurka ayaana u Fasaxaya, waxaan ka xunahay Xadhiga loo gaystay oo Baalmarsan Sharciga, Xildhibaanku wuxuu leeyahay Dariiq loo maro, isagoo Xasaanad leh ayaa loo daatay Gurigiisa oo lasoo xidhay “ Ayuu yidhi Baashe.
Ciidamada Booliska ayuu ugu baaqay inay marka ay dadka iyo Masuuliyiinta Xadhiyaan u maraan Sifo Sharci ah.
Dhinaca kale Gudoomiye Baashe ayaa sheegay in laga Hor istaagay inuu Booqdo, Wuxuuna sidoo kale xusay inay dambi kale tahay Maxkamadda la keenay maanta.