BREAKING NEWS

Taliyihii Ciidamada isku dhafka P/ Galmudug Oo Gaalkacyo lagu dilay [Daawo Video]

Gaalkacyo [Widhwidh Online ] Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo ku weeraray Taliyihii howlgaladda Ciidamada isku-dhafka ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Col. Khaliif Nuur Shiil.

Taliyaha ayaa waxaa rasaas ku furtay koox dabley ah oo ku sugeysay Masjid uu ka soo baxay agtiisa, waxaana soo gaaray dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaa dhaawiciisa loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada oo lagula tacaalay, iyadoo la sheegay inuu markii danbe ku geeriyooday.

Laba dhalinyaro ah oo falkan geystay ayaa baxsaday, waxaana ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ay howlgal ka sameeyeen agagaarka goobta uu falku ka dhacay.

Col. Khaliif Nuur Shiil ayaa si weyn loogu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay xasilinta magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidamada isku dhafkaa ee uu hoggaaminayay laga kala keenay maamulada Galmudug iyo Puntland

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top