BREAKING NEWS

Xukun lagu riday Raggii Kufsaday Ee Dilay CAASHA ILYAAS

Maxkamada derejada 1aad ee Garoowe waxay dil toogasho ah ku xukuntay sadex eedaysane oo lagu helay inay kufsadeen oo dileen Marxuumad Caa’isha Ilyaas,

Sidoo kale Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo dad kale oo Lagu Tuhmay Arintaasi, Kuwaasi oo la sheegay in dambi lagu waayey.

Magacyada Ragga Dilka toogashada ah lagu xukumay ee Falkii Caasho ilyaas  waxaa ku Jira Labo Walaalo ah, Waxayna kala yihiin.

Cabdifataax Cabdirahman Warsame 24 sano jir

Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 32 sano jir

Cabdishakuur Maxamed Dige 46 sano jir

Qosyka Caasha Ilyaas ayaa magaalada Gaalkacyo uga Guuray Dhibkii gaadhay, Iyadoona Hooyada dhashay iyo Caruurteedu ay hada ku sugan yihiin magaalada Wardheer ee Dawlad deegaanka Soomaalida, Halka Aabaha dhalay Caasha ilyaas uu Arinta kiiskan u joogay magaalada Garoowe.

Madaxda Puntland ayaa dhowr jeer sheegay inay Cadaalada Horgayn doonaan Dadkii ka dambeeyay dilkaasi, waxaana Arintaasi siwayn uga Xumaaday Guud ahaanba Bulshada Somaaliyeed.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top