BREAKING NEWS

SAWIRO:-Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo Saraakiil AMISOM oo kulan deg deg ah yeeshay

Madaxweyne ku xigeenka 1 aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa shir deg deg ah la qaatey Saraakiisha Taliska Ciidamada Amisom ee ka howl-gala gobolka Gedo.

Kulankaan oo ka dhacay degmada Ceelwaaq ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka gedo,iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa AMIOSM gaar ahaan kuwa Kenya ay gobolkaasi ku sugan yihiin.

Saraakiil ka tirsan kuwa AMISOM ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland kala Shaqeyn doonaan sugida Amniga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top