BREAKING NEWS

Abwaan Gabay la’ yaab leh Uga hadlay Duulaanka lagu hayo Kornayl TUKE Oo kasoo jeeda Gobolka Sool.[Akhriso}

Waxaa Dalka Maraykanka Dacwad lagu soo Oogay oo Shaqooyinkii looga saaray, Islamarkaana Weli lagu daba Joogaa Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Kornayl Tuke kana mid ahaa Saraakiishii Ciidamadii Xooga dalka ee Soomaaliya.

Shaqsiyaad kasoo jeeda Deegaanada Somaliland ayaa Dacwado kala duwan, Kusoo Oogay, Iyagoo Garab ka helaya Xubno ka shaqeeya Telefishinka CNN ee dalka Maraykanka ka howlgala iyo Warbahin kale.

Kiiska Kornayl Tuke ayaa dood Xoogan ku xeeran tahay, Iyadoona Xubnaha dacwada ku oogay ay ku eedeeyeen inuu dhibaato gaystay Xiligii Dawladii dhexe, Isagoo Arintaasi siwayn isaga Fogeeyay.

Abwaan Maxamed Hiirad oo Gabay uga hadlay Duulaanka lagu soo Qaaday Kornayl TUKE oo kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa sheegay in hadii aan Maanta loo Hiilin ay ku xigi doonaan Boqolaal kale oo dhibaato loo gaysto.

blank

AKHRIS WACAN – GABAYGA ABWAAN MAXAMED EE COL. TUKE

Xirgi laawe cabdi xaafidow ma xarragooneene

Xabaal baad ka door bidi lahayd xaaladdaan nahaye

Xusbad li’ida daaroodka iyo xeesha nacabkooda

Ama xubinta ay kaga jiraan xilligan Soomaali

Xog ogaal haddaan nahay naflaha lama xidhiidhneene

Xooliyo inaan dhaqano maal ama xajkii aadno

Xaaraan iyo bakhtay naga yihiin xila la yeeshaaye

Rag aan laga xishoonayn waqtigan lana xaq dhowraynin

Oo xoog inay leeyihiin lagu xisaabaynin

Oo laga xayuubsaday xil iyo xoolo wuxuu haystey

Oo xaasaskoodii rag  kale uga xawaareeyey

Oo xero qaxoontiga u galay xeebashada ruuxa

Oo uu dameer xadhig furtiyo xoorku daba joogo

Oo aan u xiiqtiran ilaa xarun maraykaanka

Oo lagu xidhxidhayoo kufriga loola xulufaystey

Oo aan xanaaqayn haddii xawda laga gooyo

Oo aan xayi ahayn hadana laba xabaalaynin

Oo isu xoog badan iyagu xaasidkaa ba’ane

Waa xaalka uu yahay tolkeen xillgan joogaaye

Afartaa xa’dii samater iyo gabay xariirtii dheh

Xumihii naloo gaystey iyo oday xasuustii dheh

Xiddigeer ku yuurura tolkay xaalad uga sheeg dheh

Xajiin iyo guhaad aan xushiyo xoroddo noolayn dheh

Xaraf kalana waa xogo kaloo xalay la iisheegay

Inaan dunidu xoog iyo ahayn tiro xilqaankeedu

Iyagoo xantooba ah faraha lagu xisabaayo

Wax layidhi idoor baa xukuma xeebo iyo howde

Calan aan xiddig cad loo ogayn xararna loo yeelay

Oo laga xumaaday darraad xagi ka taagene

Wax layidhi xad bay doonayaan inay xariiqdaane

Garoowow xuduudaa la yidhi xeebahaa bariye

Xambaaray hartiga doonayaan inay  ku xaabshane

Xasuuq bay rabaan baa la yidhi inay ku xaaqane

Xorriyadii ogaadeen horay xabash ka iibshene

Xulufay ahaayen tan iyo xaylihii hora e

Xeegaan bay ku wada leeyihiin inay xidhnaadaane

Wax layidhi kun xoggiya bay xaashi ku qorteene

Wax la yidhi xafiisyaa u furan oo xog doon badane

Wax la yidhi xul bay soocayaan kii xiniiya lehe

Xildhibaanadii baa u daran xeerka hayn jiraye

Wax la yidhi Tukaa xadhig ku jira oo xanniban jeele

Anigana xaluu ilahadloo wan xantanayaaye

Xabeebsiga codkiisiyo ninkaa xuurta hadalkiisa

Qalbigay xanuunoo jidhkaa xoon ka soo kudaye

Markii aan xogtiisiyo warsaday xaalka lagu haysto

Wuxuu yidhi xaq iyo baadil baan xero wadaagayne

Tolkay baa xumaadaye isaaq ima xabaadheene

Sidii xoola baadiya hadhkii ima xaraasheene

Xujaaj iyo cuqaal iyo wasiir iguma xeermeen’e                                                                         

 xishood dhimaye xaas iyo haween iguma xoomene

Wuxuu yidhi xog laawaad tihiyo xaaji qaafilahe

Xaalku ma aha anigoo qudhiyo xayn yar oo kale e

Waa gowrac wayl loo xidhiyo xeerkii dibigiiye

Ninba maalin baa loo xadiday oo xukuman mowd’e

Xisaab iyo khadbaa lagu socdaa soo  xad kii ladane

Nin walaalki loo xiirayow xigide soo qoyso

Dabadeed xifaaladatan buu xiisa ii faraye

Wuxuu yidhi xilqaanimo u sheeg xarun kastaad gaadho

Habarwaa xanaaq kama sugayn xiisa dirireede

Way xila dallaaqeen inay xagatin gaystaane

Waa xabagbarshiyo rooti iyo xaydho iyo beere

Hadday muusayaal ii xisteen xeelad iyo weerar

Xariirtii hayaag iyo yaxyana ma iska kay xooray                     

waa lagu xurmayn jiray absame meel xabadi taalle

Xoog bay ahaayeen waqood xaalkastay tahaye

Xikmad iyo aftahamay naflaha ku xakameeyeene

Iyagaa cid noo xiga markii xiis la weeraro e

Xafiisyada markay noqotay bay dib u xishoodeene

Miyey xaylayaal iyo go’een xamar raggii haystey

Geri baan xilkuu sidi jiriyo xoorin sharaftiiye

Daarood xulkii buu ahaa tan iyo xaataaye

Xuluulaysi may qaban hunguri xamasho waaceebe

Xaashaa lilaahiye ma jirin xeeray jabiyeene

Xasiloonidoodii miyaa xoorku igu jiitay

Mareexaan xabiib buu ahaa xabin difaacay e

Weligoodba geesay xigaan layma soo xuline

Xulufaysi reer kale ma arag ciday ku xoojeene

Ma xeebtii kismaanyaa tollimo kala xadhaadhaatay

Iyagaa xoreeyaye maxay xooga ugu sheegan

Anigana maxay ii xistiyi ima xasuustaane

Hal xidhaale diin iyo xujiyo hadalla xeer beegti

Ama qoraal xafiisyada galoo xaashi lagu duugo

Xumo laga jawaabiyo dil iyo meel xabidi taallo

Xerta leel kasiyo Awr tablaan xani ka raacdeene

Ma xogtaan la gaadhsiin bahday ima xumeeyeene

Xuduudaha hartiga buuxshey iyo xeebta iyo soolka

Ee boqorku xeerka u hayee lagu xurmaynaayo

Xornimiyo wanaag bay arlada ku xukumaayeene

Xayuun iyo qayuun bay kufriga la xarbiyaayeene

Markii xaasid koodii batay xagal ka daaceene

Ha yeeshee xilqan lagama tago ficil xigaalkaaye

Xirrib iyo siyaasada xafidan xadhig la qoolaayo

Oo ay wada xarriiqaan xul iyo nimanka xood xoodan

Xildhibaano caaniyo duqow xaal walba u joogay

Xujaaj duub leh kumanyaal timuhu xayga ka caddaaday

Iyo kuman xafiisyada fadhiya xeerka laga doonto

Iyo kuman war xiisa leh ka qora dunida xaydaaban

Iyo kuman xisaabaha hayoo xoola bixinaaya

Iyo kuman xabada haysta oo xoog u diriraaya

Iyo kuman xasarad loo diroo hadalla xoorxoora

Intaasoo xigaalkay ahoo xaafad ila jooga

Xadhig nacab dhamaantood hadday iga xorayn weydo

Majeerteen xabeeb lihi hadduu dirir u soo xaydan

Xabaala cas haddaan laga dhigayn xarunta iidoorka

Waa xero ka saar iyo rabbigay xaaja uu qoraye

Waxaan idhi maxaa xigi tolow xeerna noqon doona

Haddaan tuke xadhaadh noqonin iyo xabag dhunkaaleeda

 Amaan lagu xisaabtamin tolkii xumaha loo gaysto

wallee boqol kaloo xiga dhakhsaba xawdada laga gooye

 Xorshoshiyo hadday wada noqdaan wada xilqaan laawe

Xoolaha haddii aan la bixin lagu xoraynaayo                                                                                                                

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top