BREAKING NEWS

Amiin Caamir Oo Sawir la yaab leh ku Muujiyey Kenya iyo Madaxda Maamulada Galmudug iyo Jubaland [sawir]

Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa sawir ku muujiyey Madaxwaynaha Galmudug iyo Jubbaland sida ay garab u siinayaan Dawladda Kenya oo Xiisad kala dhaxayso Soomaaliya.

Sawirka waxaa ka Muuqda damaca Kenya ee Badda, Iyadoona Adeegsanaysa Siyaasiyiin Soomaaliyeed si ay guul uga gaadho.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa lagu xasuustaa in dhowana markii uu kasoo baxay Shirkii Garoowe uu Safar ugu baxay dalka kenya, waxaana Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlayey Shirkii Garoowe iyo Arinta Galmudug uu sheegay in Xaalada Galmudug tahay Qof Xanuunsan oo Hadana diiday Daawo-Loo Qoray.

Sidoo kale Madaxwaynaha maamulka Jubbaland ayaa xidhiidh toosa la leh Kenya, oo ciidamo ka joogaan Kismaayo, wuxuuna si joogta ah u booqdaa Nairobi.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top