BREAKING NEWS

Booliska Dalka Negeria Ee Loo Yaqaano Booliska Shareecada Oo Xabsiga Dhigay Ragga masooma yaal ah Oo bulshada dhexdoda cunto ku cunayay[Akhriso]

Booliiska shareecada Islaamka ee gobolka Kanu ee dalka Nigeria ayaa xidhxidhay siddeetan ruux oo lagu eedeeyay in ay bulshada dhexdeeda cunto ku cuneen iyaga oo sooman, badalkii ay soomi lahaayeen bisha barakaysan ee Ramadan.

Booliiska shareecada ee loo yaqaanno Hisbah ayaa sheegay in dadkan lagu xidhxidhay magaalada Kanu maalmihii u dambeeyay.

Gobolka Kanu ayaa ka mid ah gobollo dhawr ah oo ku yaalla waqooyiga Nigeria kuwaas ku dhaqanka shareecada Islaamka dib u soo celiyay sannadkii 2000.

Shareecada Islaamka ayaa la dhaqan galiyay waxaase ka garab shaqeeya dastuurka dalkaas.

Adamu oo ah afhayeen u hadlay booliska Hisbah ee gobolka Kano ayaa u sheegay in dhammaan dadka la xiray ay Muslimiin ahaayeen, isla markaasna aysan bartilmaameedsan dadka aan Muslimiinta ahayn maadaama oo aan iyaga soon ku waajibin.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay xafiiska sharaaceda Islaamka u sheegeen in sababta ay u cuntaynayeen ay tahay in aysan wali indhaha saarin bishii, halka qaar kalana ay xannuun sheegteen, balse masuuliyiintu ay xaqiijiyeen in waxa ay sheeganayaan uusan sal lahayn.

Siddeetankan ruux oo la ogaaday in aysan horay khalad u galin ayaa la sii daayay isla markaasna digniin la siiyay, sida uu Yahaya sheegay.

Digniin ayaa la siiyay haddii ay dambi kale ku laabtaanna maxkamad ayaa la saari doonaa. Booliiska Hisbah lagu magacaabo ayaa sheegay in ay bisha Ramadaan oo dhan sii wadi doonaan hawgallada ay deegaannadaas ku gaafwareegayaan isla markaasna ay xirxiri doonaan Muslimiinta aan soomayn.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top