BREAKING NEWS

Ciidamada Amaanka Oo Muqdisho toogtay Nin hubaysan Oo dhaawacay askari.{Akhriso]

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay Bakaaraha magaalada Muqdisho ku dileen nin hubeesan oo dhaawac u geestay askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Sida aan Wararka ku helnay nin hubeesan oo la socoday mooto nuuca loo yaqaan Fekon ayaa rasaas ku furay ciidamada booliiska ee ka howlgala Isgooska Bakaaraha , waxa ayna dhaawac gaarsiiyeen askari booliiska katirsan.

Ciidamada booliiska ayaa la sheegay in dhankooda rasaas ku fureen ragii hubeesnaa waxa ayna goobtaasi ku dileen ninkii hubaysana ee soo weeraray

Warar kale ayaa sheegay in goobta nin ka lagu dilay ku sugana nin kale oo ninkan la socday kaas oo ka caraaray ciidanki police ka

Goobta ciidamada amaanka ku toogteen ninka hubeesan ayaa waxaa gaaray saraakiil katirsan ciidanka booliiska kuwaa oo markii dambe meydka ninka la toogtay ayaa loo qaado xarunta Dambi baarista CID-da.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top