BREAKING NEWS

Gobolka Cayn Oo lagu Dilay Shaqaale Ka tirsan Telesom

Waxaa goordhaweyd Lagu dilay deegaanka Banyaal ee gobolka Cayn labo kamid ah shaqaalaha shirkadda Isgaadhsiinta Telesom.

Shaqaalahan ayaa waxaa weerar qorshaysan ku soo qaaday Hurin Dablay ah oo ka kooban 12 Nin,

Sida warku nagu soo gaadhay shaqaalaha la dilay ayaa ilaalo u ahaa xubno kale oo shirkada telesom ah oo Hargaysa laga soo diray islamarkaana shaqo ka hayay Buurta Jilib yare oo Taawar Isgaadhsiined u saaran yahay Telesom.

Dablayda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in Beegsigoodu ahaa shaqaalaha Telesom ee Hargaysa balse ay Iska caabin kala kulmen Ilaalada dhimatay,

Shaqaalaha dhintay ayaa lagu kala magacaabi Jiray xasan cali shire xasan Badhi iyo Axmed maxamuud saleeban (Gaab)

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top