BREAKING NEWS

War Yaab Leh Oo Laascaanood Ka soo yeedhay

Magaalada laascaanood ee caasimada Gobolada SSC waxaa ku xidhan dhalinyaro Rag iyo Dumar leh oo Maalintii shalay ahayd Si badheedh ah ugu labistay uguna Damashaaday calanka Khaatumo iyo Kan soomaaliya.

Dhalinyartan oo dumar iyo caruur u badan ayaa ku xidhan Jeelasha kala duwan ee Gudaha laascaanood ay ku leeyihiin maamulka isaaq.

Siga Xogta ay ku heshay Widh WIdh Online waxaa Qofkii Lagu soo daynaya oo waalidkiisu ka bixinaya lacag dhan Hal Malyan oo shilinka maamulka SNM Ah.

Talabadan Lagu kala iibsanaayo dhalinyarta Kibirka lagu soo xidhay ayaa waxaa kow ka ah Horgalada U jooga laascaanood maamulka isaaq.

Si kastaba ha ahaate waxaa xusid mudan in Dareenka iyo go aan shacabka khaatumo uusan marna hor istaagi karin jeel iyo lacag lagu soo daayo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top