BREAKING NEWS

Ilhaan Cumar Oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah Ee isu Galmooda

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa Aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. [Nin Guursan kara Nin kale , Ama Haweenay Guursan karta Haweenay kale].

Ilhan  ayaa dooneysa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga ah, Iyadoo dalkaasi lagu dhaqayo Shareecada Islaamka.

Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku Jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin).

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay, Waxayna Raacisay   “Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan”.

Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Isha – Idaacadda BBC-Somali

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top