BREAKING NEWS

Qorshaha Badda Ee iiraan la’ maagan tahay Israa’iil.{Daawo Video}

Xukuumada israaiil qayb kama aha waa kelmada ay xukuumada israaiil had iyo goor ku soo celceliso marka laga hadlayo khilaafaadka Maraykanka iyo Iran ka dhex taagan amaba marka laga fekero saamaynta uu israaiil ku yeelan karo hadii khilaafadkaasi isu bedelo qaab millateri iyo waxa uu weliba yeeli karo, iyagoo israaiiliyiintu sheeganaya in xitaa aanay ka falcelin doonin saamayn ay colaad noocaa ahi ku yeelato.

hase yeeshee halkaa waxaa daahyada dabadooda ah muuqaalo muujinaya inay cabsidheeraad ahi ka jirto israaiil oo mar kasta oo ay xiisadda maraykanka iyo iran sii kululaataba ay sii ogaanayaan inay  ku soo wajahan tahay khatar istaraatiijiyadeed oo nooc kale ahi , waana khatarta dul hoganaysa xidhiidhka dhanka badda ee ay israaiil la leedahay caalamka, amaba gaadiidka badda ee israaiil ku sii jeeda amaba ka imanaya

raysalwasaaraha israaiil iyo ragiisa sirdoonka u qaabilsani waxay dhanka maraykanka iyo dalal kaleba ka helayaan xogo iyo macluumaad ku saabsan xiisadda khaliijka , sadex ka mid ah macluumaadka faahfaahinta laga siiyeyna waa marinada badaha ee kala ah marinka hormus, gacanka suweys iyo marinka baabalmandab, marinadaa oo iiraaniyiintu labo ka mid ahna xidhi doonaan ka kalena uu labadaa ku xidhan yahay oo haday xidhmaan iskala xidhmi doono , waana marinada  ogolaan doonin in laga gudbo oo ay maraakiibta ganacsigu ka talaabaan,cid kasta oo damacda inay ka gudbaana ay khatar la kulmi karaan, waana mid ka mid ah hanjabaadaha ugu kulul ee israaiil kaga imanaya dhanka iran

waana marinada sadexda ah ee an la helayn meelo kale oo lagu bedesho ama ay maraakiibtu ka wareegi karaan, waana marinada ugu muhiimsan dhanka maaxitaanka badaha waana marinada ay ka gudubto maraakiibta sida 20% shidaalka ganacsi ee caalamka, iyadoo marinka baabalmandab oo ah marin badeedka kala qaybiya qaaradaha afrika iyo asia,kuna xidhhiidhsan kanaalka suweys loogana sii gudbo badda midatrenianka oo dacalkeeda sare ku gaadhsiinayo qaaradda yurub uu yahay marin aan ahmiyadiisa la yaraysan karin

tusaale ahaan israaiil 90% waxyaabaha ay dhoofiso iyo waxyaabaha ay la soo degtaa waxay maraan dhanka badda, taasoo 20% ka mid ahi ay ka gudubto marinka baabalmandab taa darteedna baayacmushtarka kala dhexeeya dalalka bariga adduunku oo uu ugu badan yahay ka ay la leedahay dalka shiinuhu waxa uu isugayn gaadhayaa 15 bilion oo doolarka maraykanka ah sanadkiiba,iyadoo ahmiyadaa uu baabulmandab u leyahay israaiil darteed ay khasab kaga dhigayso inay qorsha xidhitaankiisa goor horeba sii diyaarsatay.

HALKAN KA DAAWO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top