BREAKING NEWS

Sacuudiga Oo Xukun dil ah ku fulinaya Sadex Wadaad Oo caan ah {Daawo sawirada }

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qorshaha Boqortooyada Sucuudi carabiya ay ku doonayso inay dil ugu fuliso saddex wadaad oo caan ka ah dalkaasi, kuwasoo lagu soo eedeeyay Arrimo argagixiso.

Culimadan oo kala ah Salman al-cawdah, Cawwad al-Qarni and Caoli al-Cumari ayaa dilka lagu fulin doonaa bisha barakaysan ee Ramadan ka dib sida laga soo xigtay ilo dowladda iyo mid ka mid ah qoysaska culumada la haysto.

Shiikh Salmaan Alcowda oo aqoonyahan iyo wadaad caan ka ah Sucuudiga ayaa la xiray bishii September 2017, kadib markii uu ka horyimid xayiraadii ay Xulufada Sucuudiga iyo Imaraadku ay ku soo rogeen wadanka Qadar.

Labada wadaad kale ayaa la xiray isla bishii September ee Sanadkii 2017, iyadoo Saddexda  Wadaad oo maxkamad Sugayaal ah oo lagu hayaa xabsi ku yaala Magaaladda Rayaad.

Maxkamadayntooda ayaa la filayay inay bilaabato Bishan May 1deedii, hase Yeeshee dib loo dhigay iyadoo la sheegin waqtiga dib loo qaban doono Maxkamadda.

Hoggaanka Cusub ee sucuudiga ayaa Tallaabo adag ka Qaadaya dhammaan dadka kasoo Horjeesta, waxaana Caalamku siwayn ugu Baraarugay Wariyihii Jamaal Khashoqji ee lagu dilay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Turkiga.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top