Waxaanu halkan diinku soo gudbinaynaa Sawirrada Wafdigii Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdullaah Maxamed Xasan iyo booqashadii uu ku tagay deegaanka Damalla-xagare ee degmada Ceerigaabo.
Iyadoona Maalintii shalay halkaasi dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay ku dhexmaray ciidamo uu watay wasiirku iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo deegaanka iyana soo gaadhay.
Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay midkalena waa ku dhaawacmay dagaalkii deegaanka Damalla-xagare ee koonfurta gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidamo ka tiran Somaliland iyo Ciidanka Puntland , Iyadoo Wasiirku wasiirka waxbarashada Puntland uu kormeerayey imtixaannada shahaadiga ah ee dugsiyada Puntland.
Puntland iyo Somaliland ayaa Muddo dheer ku mursan gacan ku haynta Qaybo kamid ah Sanaag iyo Sool, Waxayna taasi culays kala duwan iyo Ciidamo dul Fadhiya ku keentay Deegaanka, Iyadoona lagu Sifeeyo Meel lagu Muran san yahay, Sidoo kala Mashaariicda Horumarineed ee loogu talogalay ayaan soo gaadhin.


