BREAKING NEWS

Agaasimaha Cusub Ee Madaxtoyada Somalia Oo la kulmay Safiirka Maraykanka

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa maanta la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto.

Dr. Fuursade   iyo  Danjire  Yamamoto waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa Mudooyinkii dambe xoogaystay, waxaana Maraykanu Soomaaliya ka taageeraa dhinacyo badan, Sidoo kale Wuxuu gudaha dalka ka wadaa Howlgalo Lagu Beegsado Kooxaha Nabaddiidka ah.

Dr. Fuursade ayaa dhowaan Madaxwayne Farmaajo u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana lagu sifeeyay inuu yahay Shaqsi aqoon durugsan u leh Howlaha Dawladnimo.

blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top