BREAKING NEWS

Ciidamada Booliska Somaliya Oo Toogtay Nin Budhcad ah.{Daawo Video}

Caasimada Muqdisho ayaa gaadhay Guulo la taaban karo.

Taliye Ku xigCeenka Ciidamada Booliska Jen. Sakiya Xuseen ayaa ka Warbixisay sida wax u dhaceen.

“Ciidanka boliiska ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta oo ku taal wda Taleex ee degmada Hodan ka dib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay.

Mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday. Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka boliiska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah.

Dhanka kale waxey ciidamada boliiska gacanta ku soo dhigeen Askari boliis ah oo shalay dad shacab ah ku dhawacay degmada Howlwadaag. “ Ayay tidhi Sakiya Xuseen.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top