Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu fasaxay in hub qiimihiisu yahay balaayiin doolar laga iibiyo Sucuudiga.
Wuxu tallaabadaa u qaaday si uu u caddeeyo in xiisadda Iran iyo Sucuudiga dhex taallaa noqotay arin ah xaalad degdeg ah oo qarankiisa la soo gudboonaatay.
Waxaa uu ku sheegay sababta khatarta kaga iman karta dalka Iiran oo maalmihii ugu dambeeyay Waday dhoolotus ballaaran.
Trump wuxu adeegsaday sharci si dhif ah loo adeegsado oo heer federal ah, si uu u meel mariyo heshiiskaa hubka lagu iibinayo oo qiimihiisu yahay 8 bilyan oo doolar, oo sida caadiga ah ay tahay in uu ansixiyo Congress-ku.
Go’aankaasi ayaa ka cadhaysiisay, dadka ka cabsi qabay in hubkaa loo adeegsado rayidka ah