BREAKING NEWS

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Oo Xukun dil ah ku riday Nin Gacan ku dhiigle Ah.{Daawo Video}

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj.

Maxkamada ayaa ku heshay Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu geestay Marxuun Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa.

blank

Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday askar dilal u geesatay dad shacab ah oo u badnaa dhalinta Mooto bajaajta ku shaqeesata, askarta dilka lagu xukumay ayaana wali dil lagu fulin iyaga oo xabsiyada ku xiran.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top