Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),
Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta. Isagoo sidoo kalena bogaadiyey maamulka Ha’yadda oo isbadal weyn ku sameeyey bilicda iyo qaab-dhismeedka guud ee xarunta.
Dhinaca kale Munaasibada furitaanka Masjidka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA).
Dhismahan Masjidka oo socday muddo socday ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa.
Masaajidkan waxaa loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle , kana mid ahaa Shantii Sare ee Gollaha Kacaanka, kana soo jeeda Gobolka Sool.


