BREAKING NEWS

Cali Xaraare iyo Fursadii Somaliland ka Raadisay Khilafka Kenya iyo Somalia.{Daawo Video}

Dhinaca kale Maamulka Musse oo doonaysa inay ka Faa’iidaysato Khilaafka labada dhinac ayaa Wafdi u dirtay Magaalada Nairobi, Waxayna sidoo kale halkaasi kula kulmene Xubno kamid ah Mucaaridka  Dawalada Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen inay Khalkhal gelinayaan Hannaanka Dawladnimo ee Soomaaliya sida uu ku Waramay Faysal Cali Waraabe,  Iyadoo Somaliland ay Qaybteeda ka Qaadan doonto.

Dhinaca kale  C.raxmaan Cabdishakuur Wax war ah dhankiisa kama soo saarin  Kulanka uu la yeeshay Xubnaha  ka socday Somaliland.

“Cadowgaaga Cadowgiisu waa Saaxiibkaa Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe, Isagoo ku Shaambadeeyay inuu C.raxmaan C.shakuur yahay Cadowga Soomaaliya, Xili uu doonayo  Cabdiraxmaan  inuu Madaxwayne ka Noqdo Soomaaliya”.

HALKAN KA DAAWO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top