BREAKING NEWS

Maamulka Muuse Biixi Oo Ciidamo Hor Leh Ku Sii Daabulaya Deegaano ka tirsan Gobalka Sanaaga.[Akhriso]

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sool gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland,halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo wata gaadiidka dagaalka ay tageen deegaanada,Yubbe, Hadaaftimo,Damal-xagarre iyo deegaano kale,waxaana tallaaba yar u jira oo ku sugan duleedka Hadaaftimo Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Wariyeyaal tegay Deegaanadaas ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadaas ay yihiin kuwo hor leh,isla markaana ay tageen deegaanadii dhawaan ay kula dagaalameen Ciidamada Puntland,waxaana barbar socda dadweyne dhigaya banaanbax ay Ciidamadaas uga soo horjeedaan.

Ciidamada ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanada Yubbe Hadaaftimo iyo Damal-xagarre ,waxaana dadka deegaanadaas ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in lagu dagaalamo dushooda,isla markaana ay khasaaro kasoo gaarto.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa shirar looga hadlayo xiisada kasoo cusboonaatay Gobolka Sanaag waxa ay ku leeyihiin Magalada Baran,iyaga oo ka arrinsanaya sida laga yeelayo deegaanada ay la wareegeen Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top